Iyadoo berito ay ku beegan tahay doorashada Guddonka Sare ee Aqalka sare ayaa waxaa soo baxaya musharaxa loo wado inuu noqdo Guddoomiyaha Aqalka sare.
Musharixiinta la hadal hayo waa kuwo kooban, waxaana ugu cadcad xildhibaan Cabdi Xaashi C/llaahi, oo lagu wado inuu xilkaasi ku soo baxo xilkaasi oo loo qorsheeyay in beesha Dirta Waqooyi ay yeelato.
Musharaxa guddoomiye hore loogu qoondeeyay inuu xilkan qabto ayaa meesha ka baxay kadib markii beesha Daarood ay xilkan ku weysay qoondada miisaanka beelaha oo keentay in Somaliland ama Dirta Waqooyi la siiyo xilkan.
Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa ka mida xildhibaanada ugu khibrada badan oo hore ula soo shaqeeyay dowladii hore ee Soomaaliya, isla markaana muddo dheer soo ahaa xildhibaan dowladihii isaga dambeeyay dalka, waxaana lagu tilmaamaa nin xamaasad badan oo hadaladiisu ay qalafsan yihiin.
Waa waayeel waaga arag, siyaasi ah, isla markaana Soomaalinimadu ku dheer tahay, sidaasoo ay tahayna iskuma fiicna siyaasiyiinta hogaanka haya ee markaas madaxda u ah dowladda, waxaana la filayaa inuu madax xanuun badan ku ridi doono madaxda sare ee dowladda cusub.
Maanta ayuu khudbad ka hor jeediday Aqalka sare ee Baarlamaanka, waxaana la tartamaya hal musharax oo lagu magacaabo Mustaf Maxamed Qodax oo hore u ahaa xoghayihii Xisbiga Wadani ee Somaliland iyo agaasimihii guud ee wasaaradda dhalinyarada iyo Isboortiga Somaliland.
Wadani.com