Guddiga baarlamaanka u saaray arrinta sarkaalkii ONLF ee Itoobiya loo dhiigay C/kariin Sheekh Muus (Qalbi dhagax) ayaa waqti loo qabtay inay warbixintooda hor geeyaan Baarlamaanka.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Golaha Shacabka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo maanta warbixin ka dhageystay Guddigii arrintan u xil saarnaa oo waqitigii la siiyay uu mar labaad dhammaaday, waxayna sheegeen inay howshooda ay gabagabo tahay.
Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxaned oo Guddiga ka tirsan Guddigga ayaa Baarlamaanka u sheegay in baaritaankooda uu marayo meel wanaagsan ayna soo bandhigi doonaan warbixintooda, wuxuuna intaas ku daray in muddo todobaad ah gudhiis ay Goluhu ku hor keeni doonaan Natiijada rasmiga ah ee Baaritaanka.
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa siiyay Guddiga ilaa Sabtiga 18-ka Novemberinay kama dambeys natiijada baaritaankooda hor keenaan Golaha shacabka, iyadoo ay tahay markii labaad ee waqti dheeraad ah u baahdaan guddiga.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa C/Kariin Sheekh Muuse ku wareejisay Dowladda Itoobiya 27kii Bishii August ee sanadkan, iyadoo ku eedeysan inuu xiriir la lahaa Alshabaab.