Wasaaradda Amniga ayaa digniin culus u dirtay dadka shaqo raadiska ah ee adeegsada shahaadooyinka aan saxda ahayn.
Wasiir ku xigeenka Amniga Dowladda Federaalka C/naasir Saciid Muuse ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono dadka adeegsada Dokumentiyada sida Shahaadooyinka lagu sameeyo Cabdalla Shideeye ee been abuurka ah.
Wasaaradda Amniga ayaa amar ku siisay taliska Booliska inay dadkaasi gacanta loogu soo dhigi lahaa oo sharciga loo horkeeni lahaa.
Arrintan ayaa saameyn ku leh ducomentiyada been abuurka ee sida weyn looga isticaamo dalka, waxayna ka digtay in talaabo adag laga qaadayo cidii lagu qabto iyadoo shaqo ku raadsaneyso Shahaadooyin been abuur ama ku ganacsaneysa sameynteeda.
Wadani