Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa u digtay milkiilyaasha Garoomada Ciyaaraha yaryar ee loo yaqaan Sallaxa inay u hoggaansamaan amarrada kooxda Alshabaab.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga C/casiis Xildhibaan ayaa sheegay inaan marna la aqbali karin iyadoo ammaanka Magaalada Muqdisho ay gacanta ku hayso dowladda Soomaaliya in haddana dadku qaataan amarrada AlShabaab.
Wuxuu afhayeenka wasaaradda Amniga uga digay Milkiilayaasha Garoomadda Kubadda Cagta ee Muqdisho inay u hoggaansamaan amadrada ka soo baxaya Al Shabaab, wuxuuna intaas ku daray in tallaabo laga qaadayo ciddii u hoggaansanta amarrada Alshabab.
Xogta la helayo ayaa sheegeysa in ujeedka Alshabab u xirtay Garoomada Ciyaaraha Muqdsho ay ahaayeen inay bixiyaan lacago canshuur ah, iyadoo fasaxday garoomada ogolaaday inay bixiyaan lacagtaasi.