Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa soo saartay War-saxaafadeed degdeg ah oo ku taariikheysan shalay 31 Maarso 2020, balse maanta soo baxay oo lagu taageerayo dowladda Boqortooyada Sacuudiga, lagu cambaareeyay weerarro gantaal oo Xuuthiyiinta Yeman ku qaadeen magaalooyinka Sacuudiga.
Qoraalka war-saxaafadeedka wasaarada arrimaha dibadda Soomaaliya oo Af-carabi lagu diyaariyey ayaa u qornaa sida soo socota:
Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaaraynaysaa maleeshiyooyinka Xuutiyiinta ee Yemen ee gantaalada balaastikada ku riday Magaalooyinka Riyadh iyo Jizan ee Boqortooyada aanu walaalaha nahay ee Sacuudi Carabiya gelinkii dambe ee Sabtida oo ku beegnayd 28 Maarso , 2020 , waxa ayna u aragtaa xadgudub qaawan iyo hanjabaad ka dhan ah deganaanshaha gobolka iyo iska-dhega-tirid geedi socodka nabadda.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay caddaynaysaa in ay ku garab taagan tahay Boqortooyada kahortagidda cid waliba oo wiiqaysa amnigeeda qaran, waxa ayna adkeynaysaa mowqifkeeda adag ee taageeraya tubta Riyadh ee xalinta dhibaatooyinka siyaasadeed ee Yemen.
Dhammaad
