Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaalia ayaa shir jaraa’id oo cusub ugu yeertay saxafiyiinta ku sugan magaalada Muqdisho 24 saacadood kadib shirkii jaraa’id ee Wasiirka arrimaha dibadda Somalia Axmed Ciise Cawad ku shaaciyey inay Somalia xiriirkii diblomaasi u jartay dowladda Guinea Gini).
Shirka jaraa’id ayaa dhici doona Berri Subaxnimada, waxaana saxafiyiinta laga dalbaday inay is-diiwaan geliyaan. “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay qaban doontaa kulan gaar ah subaxa Sabtida (6 Luulyo). Weriyeyaasha kuwa gudaha iyo dibadda waxaa laga codsanayaa in ay ku soo diraan nuqul ka mid ah kaararkooda shaqo iyo teleefoon nambarka ay adeegsadaan email-ka hoos ku qoran si loogu xaqiijiyo imaanshaha..” ayaa lagu yiri wargelin kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha dibadda Somalia.
Wararka ayaa sheegaya in shirka jaraa’d ee cusub lagu shaacin doono go’aano cusub oo ku saabsan siyaasadda arrimaha dibadda Somalia, iyadoo dowladda Somalia lagu dhaliilay go’aankii ay xiriirka ugu jartay dalka Ginni, kaasoo lagu tilmaamay mid lagu degdegay, waxayna ka danbeysay markii uu booqasho ku tegay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.