Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya war ay faafisay daqiiqado ka hor ayaa lagu beeniyay war maalmahan la isla dhex marayay oo ku saabsanaa in madaxda dowlada Federaalka iyo Kenya ay isku afgarteen in dib looga noqdo dacwadii ay Soomaaliya ka gudbisay dalka Kenya ee ku saabsaneyd muranka xuduudka badda.
Warku carrabka kuma dhufan waxa lagu beeninayo, laakiin waxaa laga fahmayaa in uu ka hadlayo soohdinta badda ee Soomaaliya iyo Kenya ee muranka la geliyay. Waxaana lagu sheegay:
“Soomaaliya waxa ay cadeyneysaa , inay weli ku adkeysaneyso , ayna ka go’antahay kiiska Sharciga iyo dacwada ee Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga ee Hague, iyadoo la raacayo heshiiska Qaramada Midoobey ee Qaanuunka badaha (UNCLOS).”
“Soomaaliya waxa ay rumeysan tahay wadahadal cad iyo iskaashiga ay la leedahay wadamada deriska ah, waxaana weli furan soojeedinnada iyo hindisiyaasha si loo gaaro xal dhameystiran oo lagu qanacsan yahay.”
Halkan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka oo dhammaystiran:
[blockquote style=”4″]War saxaafadeed – (Nuqul Af-Soomaali) – Maalmihii ugu dambeeyay , warar ay warbaahintu faafisay oo tilmaamayay in Kenya iyo Soomaaliya ay ku heshiiyeen in ay kala gar-qaataan ,iyadoo aan la marin Maxkamadda sare ee Qaramada Midoobey ,taasi oo macnaheedu yahay in labada dal ay ku kala baxaan Maxkamad la’aan. Soomaaliya waxa ay cadeyneysaa , inay weli ku adkeysaneyso , ayna ka go’antahay kiiska Sharciga iyo dacwada ee Maxkamadda caalamiga ee Cadaaladda ee Hague iyadoo la raacayo heshiiska Qaramada Midoobey ee Qaanuunka badaha (UNCLOS). Maalgelinta caalamiga , barwaaqada iyo kobaca dhaqaale ee Soomaaliya iyo dalalka deriska ah waxa uu ku imaan karaa iyadoo la xaliyo arrinkan , waxaanan u taagannahay ,kuna adkeysaneynaa kiiska sharciga ah ee aan hore u gudbinay. Soomaaliya waxa ay rumeysan tahay wadahadal cad iyo iskaashiga ay la leedahay wadamada deriska ah, waxaana weli furan soojeedinnada iyo hindisiyaasha si loo gaaro xal dhameystiran oo lagu qanacsan yahay . Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda Section of Press and Public Relations [/blockquote]
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]