Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu maamulka shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ka wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo gacanta ku heystay shirkaasi kadib markii uu hakad galay, isla markaana eedeyn badaa loo jeediyay wasiir Odowaa qaabka uu shirkaasi u waday oo keentay in lagu kala tago.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in kulan dalak Turkiga ku dhex maray isaga, guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Guudlaawe iyo Madaxweynaha oo muddo saacado ah socday heshiis lagu gaaray oo maamulka shirka Jowhar lagu wareejiyay guddoomiyeyaasha labada Gobol.
Yuusuf Dabageed oo la hadlayay odayaasha gobolka markii uu dib ugu laabtay Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in shirka loo gacan geliyay labada guddoomiye gobol, wixii cabasho ah oo ay qabaan reer Hiiran uu isagu xalinayo.
Guddigii fududeynta shirka ee wasaaradda arrimaha gudaha ayaa la sheegay inuu madaxweyne Xasan Sheekh meesha ka saaray, waxaana maamulka iyo awoodii shirka lagu wareejiyay guddoomiyeyaasha Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe oo looga fadhiyo inay shirka dib u furaan.
Wadani.com