War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federaalka Xukuumadda Soomaaliya ayaa jawaab cad looga bixiyay warkii kasoo yeeray Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare oo muddo saddex maalmood ah u qabtay Madaxweynaha iyo Xukuumadda. [Akhriso Faahfaahinta].
Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in gogoshii uu Madaxweyne Farmaajo u fidiyey madaxda maamul Goboleeyada ay weli furan tahay, iyadoo ay diyaar u tahay dowladda Federaalka inay dhageysato oo ay ka garowdo tabashooyinka ay soo gudbiyeen madaxda maamul Goboleedyada.
Wasaradda waxay sheegtay in xal yu helida arrimaha masiiriga ah ee Soomaaliya ay u taallo umadda Soomaaliyeed, waxaana maamul Goboleedyada doorashu kusoo fool leedahay laga dalbaday inay qabtaan doorasho xalaal ah.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA