Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa digniin u diray shirkadaha isgaarsiinta dalka ee aan is-diiwaan gelin inay bishan Febraayo iska diiwaan geliyaan Wasaaradda, isagoo uga digay inay sharci darro noqon doonaan haddii aanay is-diiwaangelin.
Isagoo la hadlayey warbaahinta dowladda ayuu sheegay in shirkadaha bixiya adeegga isgaarsiinta iyo Data-da ama Mobile Network loo gudbiyey qoraalladii diiwaangelina, laakiin wixii bishan ka danbeeya ay noqon doonaan shirkado cusub oo shuruudo adag lagu xiri doono, iyagoo lumin doona tixgelinta la siiyey.
Dhinaca kale wasiirka Isgaarsiinta xukuumadda Soomalaiya ayaa sheegay in la bilaabayo diiwaan gelinta dadka qaadanaya Sim card-ka shirkadaha isgaarsiinta, iyadoo qof waliba oo la siinayo warbixintiisa la heyn doono, si looga hortago in nabad-didka ay qaataan.