Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda ayaa war kasoo saartay qasaraha weerarkii ciidamada Uganda ee AMISOM lagu qaaday shalay Gobolka Shabeellaha hoose.
Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Uganda Richard Karemire ayaa war-saxaafadeedka ku xaqiijiyay in Ciidamada Uganda ay ka dhinteen 12 Askari 7 kalena uu dhaawac ka soo gaaray.
Wuxuu sheegay in Askata dhaawaa loo qaaday Isbitaalka AMISOM ee magaalada Muqdisho. Wuxuu tacsi u diray qoyska iyo ehelada ciidamada la dilay.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

![Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda: “12 Askari ayaa lagu dilay weerarkii Buulomareer” [War-saxaafadeed]](https://wadani.com/wp-content/uploads/2016/08/Uganda-jeneral.jpg)
