Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Wasaaradda Waxbarashada oo bilowday Qorashada 3000 macallin (Shuruudaha laga rabo)

    Wasaaradda Waxbarashada oo bilowday Qorashada 3000 macallin (Shuruudaha laga rabo)

    February 6, 2023Updated:February 6, 20233 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda Federalka Soomaaliyeed maanta daah-furtay Shaqaaleysiinta 3000 macallin oo ay qaadaneyso, kuwaasoo ka hawlgeli doona Dowlad Caasimadda iyo Maamul Goboleedyada Dalka.

    Xaflad ka dhacday Muqdisho ayey Wasaaradu ku daah furtay qaadashada shaqaalaha macalimiinta ah oo cusub, kuwaas oo muddo 7aad ah loo furay inay codsiyadooda gudbiyaan, iyadoo ballanqaaday in shaqaalaysiinta macallimiinta loo mari doono hannaan daahfuran, kana fog eex iyo qof jeclaysi.

    Wasaaradda ayaa laba qeybood oo kala ah Macalimiin iyo Tababarrayaal u kala qeybisay shaqaalaha, iyadoo tababarrayasha uu waqtigooda kooban yahay.

    1– (Macalimiinta) Shuruudaha looga baahan yahay codsadaha/musharaxa shaqada waa sidatan soo socoto:

    B. Shuruudo Guud:

    1. Inuu heysto shahaaddada darajada koowaad ee heer jaamacadeed oo ay wasaaraddu aqoonsan tahay.
    2. Inuu ka gudbo imtixaanka qaadashada macallimiinta oo ah qoraal iyo af .
    3. Inuu jir ahaan iyo maskax ahaanba caafimaad qabo.
    4. Inuusan lahayn balwad caafimaadkiisa, shaqadiisa, go’aan qaadashadiisa ama sumcadiisa bulshada dhexdeeda wax u dhimi karta.
    5. Inuu leeyahay akhlaaq fiican iyo dulqaad, ka fayow yahay cudurada la is qaadsiiyo, aanu lahayna iin wax u dhimi karta gudashada xilkiisa.
    6. Inuusan horay u galin fal dambiyeed maxkamad xukuntay.
    7. In da’diisu u dhaxayso 22-50 jir.
    8. In uu leeyahay xirfado dad la dhaqan wanaagsan iyo wadashaqeyn.

    T. Baraha Dugsiyada H/Dhexe

    1. Baraha codsanaya dugsiyada hoose/dhexe waa inuu dhigi karo ugu yaraan afar ka mid ah maadooyinka lagu dhigo dugsiyada hoose iyo dhexe.

    J. Baraha dugsiyada sare

    1. Baraha codsanaya dugsiyada sare waa in uu dhigi karo ugu yaraan laba (major/minor) ka mid ah maaddooyinka dugsiyada sare lagu dhigo

    J. Dugsiyada Farsamada

    1. Baraha codsanaya dugsiyada farsamada waa in uu dhigi karo ugu yaraan afar ka mid ah maaddooyinka dugsiyada farsamada lagu dhigo

    X. Dugsiyada Xanaanada

    1. Baraha codsanaya dugsiyada xannaanada waa in uu dhigi karo dhammaan maaddooyinka dugsiyada xannaanada lagu dhigo.
    2. Waa inuu fahamsan yahay baahiyaha carruurta yaryar.

    Lifaaqan ka codso. (Gal)

    2- (Tababaraha Macallinka) Shuruudaha looga baahan yahay codsadaha/musharaxa shaqada waa sidatan soo socoto:

    Shuruudo Guud:

    1. Inuu heysto ugu yaraan shahaaddada darajada labaad ee heer jaamacadeed oo ay wasaaraddu aqoonsan tahay oo ah takhasus waxbarasho.
    2. Inuu leeyahay aqoonta aas aasiga ah ee computerka.
    3. Inuu leeyahay Khibrad waxdhigid oo ugu yaraan shan sanno ah.
    4. Inuu ka gudbo imtixaanka qaadashada tababaraha oo af ah (interview).
    5. Inuu jir ahaan iyo maskax ahaanba caafimaad qabo.
    6. Inuusan lahayn balwad caafimaadkiisa, shaqadiisa, go’aan qaadashadiisa ama sumcadiisa bulshada dhexdeeda wax u dhimi karta.
    7. Inuu leeyahay akhlaaq fiican iyo dulqaad, ka fayow yahay cudurada la is qaadsiiyo, aanu lahayna iin wax u dhimi karta gudashada xilkiisa.
    8. Inuusan horay u galin fal dambiyeed maxkamad xukuntay.
    9. In uu leeyahay xirfado dad la dhaqan wanaagsan iyo wadashaqeyn

          Lifaaqyada Muhiimka ah:

    1. Nuqul shahaadada iyo trancriptiga darajada 1aad ee jaamacadda.
    2. Nuqul taariikh nololeedka (CV).
    3. Hal sawir oo teesaro ah, lana qaaday labadii bilood ee u dambaysay.

    Lifaaqan ka codso. (Gal)

    Macalimiinta la qaadanayo Shaqaalaha cusub Shaqaalaha dowladda Top Wasaaradda Waxbarashada
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWararkii ugu danbeeyay Dagaal iyo Duqeyn ka socota magaalada Laascaanood
    Next Article Dowladda Somaliya oo War kasoo saartay Dhulgariirka Turkiga iyo Farriinta Madaxweynaha

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo