Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa u sheegay in agaasimihii xafiiskiisa Cabdullaahi Axmed Dool aan shaqada laga eryin, balse la beddelay dhowr sababood oo ay ka mid ahay weji gabax uu ku keenay Wasaaradda.
Wasiir Cawad ayaa sheegay in sababaha xilka looga bedelay ay ka mid yihiin inuu muddo saddex bilood ah ka maqnaa shaqada ogolaansho la’aan iyo farriimo uu ku qoray twitter-ka oo wasiirku sheegay inay weji gabax ku rideen siyaasadda wasaaradda arrimaha dibadda.
C/llaahi Dool uu bartiisa twitter-ka ku qoray farriin uu ku taageerayo in Soomaaliya xiriir diblomaasi la yeelato Israel, taasoo lama filaan ku noqotay Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Soomaali fara badan.
Dhowaan ayey ahayd markii safiiradii Soomaaliya u fadhiday ee Geneva Faaduma Cabdullaahi Maxamud ay ka aamustay qaraar golaha xuququda aadanaha ee Q/Midoobay ku cambaareeyey aqoonsiga madaxweyne Donald Trump uu dhulka Golan Heights ee Syria ugu aqoonsaday dhul Israel, taasi oo keentay in Wasiirka uga degdeg ugu yeero magaalada Muqdisho.