Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa digniin culus u diray ganacsatada aan bixin canshuurta dowladda ee ku waajibtay, isagoo sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono.
Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ganacsato badan aysan bixin canshuurta, isagoo ku hanjabay inuu magacyadooda soo bandhigi doono marka danbe ee uu shir kale qabto haddii ay bixin waayaan canshuurta.
Wasiir Beyle ayaa sheegay inay filayeen sanadkan inay soo xaroodaan 20 milyan oo Doollar, balse ay kasoo xerootay 14 milyan doolar, taas oo tusaale u ah sida ay u yar tahay canshuurta la qaado.
“Ma jiro Ganacsi furnaan kara iyo Dukaan la furi karo haddii aan la bixin canshuurta.., ma soconeyso in canshuur la’aan la iska ahaado… halkan waxaan ku hayaa magacyadooda waanan shaacin doonnaa marka hore..” ayuu yiri Wasiir Beyle.