Wasiirka Cadaalada dowladda Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii, kadib markii uu shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa.
Wasiirka ayaa sheegay in is-casiladiisa ay sabab u tahay in xil ka qaadistiisa ay isku khilaafeen madaxwaynaha Puntland C/weli Maxamed Gaas iyo kuxigeenkiisa isaguna uu go’aansaday inuu fududueeyo si khilaafka meesha uga baxo.
Wuxuu intaas ku daray in mudo 8-bilood ah aysan si wanaagsan u soo shaqeeyay balse aanu helin xaquuqdiisii.
Degaanada Puntalnd ayaa mudooyinkan danbe laga hadal hayay isku shaandheyn balaaran oo lagu sameynayo golaha wasiirada Puntland oo marar badan dib ugu dhacday is maandhaaf ka taagnaa wasiirada soo noqonaya iyo kuwa xilka laga qaadayo.
Wararka qaarkood ayaa sheegaya in isku shaandheynta oo markan soo dhowaatay xilalka looga qaadui doono wasiiro muhiim ah oo ay ka mid yihiin:
Wasiirka Maaliyada
Wasiirka Waxbarashada
Wasiirka Ganacsiga
Wasiirka Dekada Iyo Kalluumeysiga.
Goobjooge.com