Wasiir kale ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay maamul goboleedka Galmudug kadib saacad kooban markii uu wasiir ku xigeen xilka banneeyay.
Wasiiru dowladaha Wasaarada Qorsheynta Galmudug Cabdiraxmaan Maxamed Cisman (Seyruuq) ayaa shaaciyay inuu iska casilay xilkii uu u hayay Maamulka Galmudug, isagoo sheegay in beeshiisa Sheekhaaleed ay ku dulman tahay Galmudug, isla markaana uu xilkaasi uga tegay inuu ahaa mi hanfaryo ah.
Isagoo Saxaafada kula hadlay Magaalada Cadaado ayuu sheegay in uu iska casilay Xilkii uu u hayay maamulka Galmudug oo hal sano iyo bar uu xilkaasi hayay. Cabdiraxman Maxamed Cisman ayaa ku eedeeyay madaxweynaha maamulkaasi C/kariin Guuleed in awoodii maamulka uu gacantiisa ku koobay.
Waxa jira kacdoon ay wadaan xubno ka tirsan golaha wasiirada Galmudug oo aan ku qanacsaneyn qaabka maamulka C/kariin Guuleed u shaqeeyo.
Wasiir ku xigeenkii wasaarada deegaanka maamulka Galmudug Cabdifitaax Maxamuud Axmed oo isla saaka sheegay in uu iska casilay shaqadii uu u hayay maamulka Galmudug.
Wasiirada faraha badan ee maamul goboleedyada ayaa intooda badan maqaar saar aan wax shaqo ah heynin.