Wasiir ka tirsan maamulka Galmudug ayaa dowladda Mareykanka ka dalbaday inay magdhow ka bixiso askartii ay ka leysay Galmudug.
Wasiirka Amniga Galmudug Cismaan Ciise Nuur (Taar-dhuleed) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay maanta Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan qirashada Maraykanka uu qirtay ciidamadii uu la laayay Galmudug, isla markaana ay ka doonayaan magtooda.
Wasiir Taar-dhuleed ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Maraykanka looga baahanyahay inuu bixiyo magta wiilashi Galmudug ee ku dhintay duqeyntaasi iyo khasaaraha hantiyadeed ee ka dhashay.
DHAGEYSO WASIIRKA
Wadani.com