Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Wasiir ku xigeenka Gargaarka oo xaqiijiyey in Khadiijo Diiriye ay shaqada ka eriday 16 Shaqaale

    Wasiir ku xigeenka Gargaarka oo xaqiijiyey in Khadiijo Diiriye ay shaqada ka eriday 16 Shaqaale

    December 11, 2021Updated:December 11, 20212 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka xukuumadda xilgaarsiinta Cabdirashiid Maxamuud Xasan ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay jiritaanka shaqaale gaaraya 16 shaqaale oo Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ka ceyrisay wasaaradda.

    War Saxaafadeed uu soo saaray Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka C/rashiid Maxamuud ayuu ku sheegay markii uu baaray arrintan inay jirto arrintan oo ah in si sharci darro ah 16 shaqaale looga eryay Wasaaradda.

    Wuxuu wasiir ku xigeenka ku amray shaqaallaha la eryay inay sii wataan shaqadooda inta ay Caddaalad ka helayaan, arrintoodana uu gaarsiiyey madaxda dowladda si tallaabo looga qaado.

    HOOS KA AKHRISO QORAALKA

    War-saxaafadeed

    Xafiiskayga waxa soo gaartay cabashada shaqaale gaaraya 16 shaqaale ah oo ka tirsan wasaaradda gargaarka iyo MM ayna la socoto caddeemo iyo xog badan oo xaqiijinaya in shaqadoodii looga saaray hab sharci darro ah, Ka dib baaritaan uu xafiisku sameeyey waxa u soo baxday in tallaabadaas shaqo-kasaarista ah iyo tacadigaas xuquuqda shaqaalaha 16 ka ah ay jirto, waxayna baalmarsantahay xeerka shaqaalaha iyo xeerarka kala duwan ee JFS iyo dastuurka KMG ah.

    Waxayna sidoo kale ka hor imaanaysaa amarkii ka soo baxay xafiiska ra’iisul Wasaaraha Tix:XRW/0237/05/2021, Tr:26/05/2021. Natijada baaritaanka iyo lifaaqyada la socda waxaan la waadagnay xafiisyada ay khuseyso si looga qaado tallaabada sharci ee ku habboon qof kasta oo tacadigaas iyo falkaas guracan ku lug leh.

    Waxa la ogaysiinaya shaqaalahaas cabashada soo-gudbiyey in ay shaqadooda sii wataan inta ay ka helayaan caddaalad, mana dhacayso xilligaan kala-guurka ah in xuquuqda muwaadiniinta lagu xadgudbo ayadoo laga faa’idaysano xaaladda doorashada dalku ku jiro.

    Waxaa la farayaa agaasimaayaasha iyo dhammaan shaqaalaha wasaaradda in ay u gutaan shaqadooda si hufan oo waafaqsan dastuurka KMG, xeerarka JFS iyo amarkii ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

    Wasiir-kuxigenka wasaaradda gar-gaarka & MM
    Abdirashiid Mohamud Hassan

    Doorashada Khadiijo Diiriye Top Wasaaradda Gargaarka
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleBankiga Adduunka oo Somaliya ka fulinaya mashruuc Koronto oo ku kacaya 150 Milyan Dollar
    Next Article Maxaa ka jira in Dowladda Turkiga ay Somaliya siiyey Diyaaradaha Drone-ka nooca dagaalka ee TB2..?

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo