Wasiirka diinta iyo awqaafta maamulka Koonfur Kalbeed Macalin Axmed Maxamed ee shalay xilka laga qaaday ayaa jawaab kulul u diray madaxwweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Wuxuu sheegay inay Koonfur Galbeed ka jirin Gole Wasiiro, isla markaana aanay weli laga ansixin Baarlamaanka maamulkaasi, wuxuuna intaas ku daray, Shariif Xasanna uu yahay mas’uul Baarlamaanka laga doonayo inuu hor yimaado.
Wasiirkan ayaa ku eedeeyay Shariif Xasan in uu afduubtay Maamulka Koonfur Galbeed, isla markana aanu ogoleyn in isla xisaabtan lagu sameeyo shaqadiisa, isagoo ku takri falay hogaanka maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Koonfur Galbeed ayaa khilaaf weyn kala dhaxeeya Shariif Xasan, isagoo ka hor yimid musharaxnimadii Shariifka ee xilka madaxweynaha Soomaaliya isagoo haddana ah madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Macalin Barre wuxuu sheegay inuusan jirin hal wasiir oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed oo ku shaqeeya Xafiis ama wax shaqo ah haya, Wuxuuna ku eedeeyay Shariif Xasan inuu musuqmaasuqo dhaqaalaaha soo gala Maamulkaasi.
Wadani.com