Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay dadaalkii dheeraa ee loo galay in lagu sii daayo siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.
Wasiirka ayaa sheegay inay saacado badan ku qaadatay dadaalkii ay u galeen sii deynta siyaasiga, wuxuuna caddeeyay in lagu sii daayey is afgarad. “Maalin iyo habeen saacado badan iyo goobo dhowr ah aan fariisannay, waxaan ku guuleysannay in xabsiga is afgarad looga sii daayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame…” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda.
Wuxuu sheegay xilligii ugu danbeeyay ee la ogolaatay in la sii daayo C/raxmmaan C/shakuur isagoo yiri: “Fadhi aan habeen barkii u fariisannay wuxuu ahaa mid ka mid ah laba fadhi oo aan maanta la qaadannay Hoggaamiyayaal dhaqan oo kii horena uu Ra’iisal Wasaaruhu ka ballanqaaday in la sii deynayo Cabdiraxmaan, fadhiga labaadna mas”uuliyiin aan ka mid ahay oo isugu jira Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle iyo Duqa Caasimadda, Wasiirro iyo Xildhibaanno aan Cabdiraxmaan ku wareejinnay Hoggaamiyayaasha dhaqanka…”.
Yuusuf Garaad ayaa mahadcelin u jeediyay dhammaan intii dhowrka maalmood iyo dhowr habeen ka soo shaqeyneysay in xal la gaaro taas oo hadda ay billow u tahay sii deynta Cabdiraxmaan. Xilliga aan qoraalkan daabacayo ayaan ka soo hoyday fadhigii ugu dambeeyay howsha maanta qabsoontay.