Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Wasiir Yuusuf Garaad oo Warbixin muhiim ah ka qoray Safarrada faraha badan ee Farmaajo [Akhriso]

    Wasiir Yuusuf Garaad oo Warbixin muhiim ah ka qoray Safarrada faraha badan ee Farmaajo [Akhriso]

    May 26, 20177 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Intii aan xilka Wasiirnimo hayay waxaan u dhoofay safarro shaqo oo dhowr ah.  Marka laga reebo shir ay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Afrika ay isugu yimaadeen oo aan uga qeyb galay magaalada Kigali ee dalka Rwanda, waxay safarradeydu ahaayeen qaar aan Madaxweynaha u raacay safarro shaqo iyo Booqasho Qaran oo uu ku tegey dalal dhowr ah.

    Waxaan tagnay Abu Dhabi, Ankara iyo Antalya oo ah dalka Turkiga, Addis Ababa, London, Riyadh, Djibouti iyo Dooxa.

    Waxaa ka horreeyay safar uu Madaxweynuhu ku tegey Nairobi ka hor inta aan la ansixin Xukuumadda.

    Waxaan qormadan ku soo bandhigayaa faahfaahin ku saabsan ujeeddada safaraddaas, sababta keentay in uu Madaxweynuhu baxo intii ay Wasiirro bixi lahaayeen, waxa hadda ku soo beegay iyo kharashka ku baxay inta uu le’eg yahay.

    Maxaa kallifay Safarradan?

    Laga billaabo markii lagu dhawaaqay natiijada doorashadii 8-da Febraayo, Dadweynaha Soomaaliyeed waxaa ay kalsooni weyn u muujiyeen Hoggaanka dalka. Sidoo kale waxaa aad loo soo dhoweeyay magacaabidda Ra’iisal Wasaaraha iyo dhismaha Xukuumadda.  Waxayna dadweynaha Soomaaliyeed ka dhowrayaan waxqabad la taaban karo.  Kaas oo u baahan dadaal iyo xiriir wanaagsa oo lala yeesho dalalka u heelan Soomaaliya.

    Haddana marka ay Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Golaha Wasiirradu xilka ay la wareegeen laguma wareejin maaliyad ay ku shaqeeyaan.  Meelaha qaar waxaaba lagu wareejiyay deymo iyo qaansheegad.

    Dhinaca kale, Taageerada dadweynaha waxay iyaduna dhiirri gelin u noqotay dowladaha aan saaaxiibka nahay oo waxay gelisay yididdiilo hor leh in ay Soomaaliya horumar ku tallaabsan karto maaddaama ay dhalatay Dowlad haysata shacbiyad xoog leh.

    Markaas waxaa khasab noqotay in Hoggaanka Sare ee dalku uu booqdo dalalkaas si Madaxdooda loogu fasiro isbeddelka dalka ka dhacay, siyaasadda dowladda iyo fursadda ay Dowladdu u haysato in ay nabadgelyada sugto, shaqo u abuurto dhallinyarada, korna u qaaddo dhaqaalaha dalka.

    Maxaa Madaxweynuhu u safrayaa miyaan Wasiirradu qaban karin howsha?

    Booqashada Madaxweyne waxay leedahay maqaam iyo muhiimad ka sarreysa midda Wasiirrada.  Madaxweyne waxaa qaabbila oo uu wadahadal la yeeshaa hadba mas’uulka ugu sarreeya dalka uu booqanayo.

    Marka ay booqashada Madaxweynuhu irdaha u furto iskaashi iyo wax wadaqabsi oo ay labada Hoggaamiye ay is fahmaan ayay Wasiirradu halkaas ka sii amba qaadaan meelmarinta iyo ka miro dhalinta mashaariicda la isla meeldhigay.

    Mida kale, mar kasta oo uu safrayo Madaxweynuhu waxaa socdaalkiisa ku wehliya Wasiirro wadahadal faahfaahsan la yeesha dhiggooda hadba dalka la booqanayo.

    Intaa ka dib wixii hirgelin iyo dib u eegid qodobada lagu heshiiyay ah waxaa meelmariya Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Qorsheynta iyo hadba Wasaaradda ay si gooni ah u khuseeyo heshiisku.

    Maxaa noo qabsoomay?

    Kenya

    Waxaa la isku afgartay la sahlo isu socodka iyo ganacsiga ka dhexeeya labada dal. Waxaa la isla gartay in la joojiyo dhaqankii ahaa in dullimaadyada ka yimaada Soomaaliya loo weeciyo Wajeer, taas oo hirgashay noqotayna mid si weyn u sahashay isu socodka.  Waxaa kale oo la isla gaaray in baasabboorrada diblomaasiyiinta, madaxda iyo shaqaalaha Dowladdu ay fiisada ka qaataan marka ay yimaadaan Nairobi.

    Waxay Kenya ballanqaadday in ay deeqa waxbarasho iyo tababbarro ay u fidiso 200 oo Macallin, 200 oo Kalkaaliyayaal caafimaad ah iyo 100 shaqaalaha Dowladda ah.

    Ethiopia

    Dowladda Ethiopia waxaan u wadahadalnay si saraaxi ah oo saaxiibtinnimo dhow ah.  Waxaan Ethiopia isku afgarannay in aan iska kaashanno danaha labada dal annaga oo ku shaqeyneyna is-ixtiraam iyo is-qaddarim siman.

    Waxaa lagu heshiiyay wadashaqeyn dhow oo xagga amniga, socdaalka, ganacsiga xuduudaha isaga gudba iyo dhinacyo kale.

    Waxaa la isku afgartay in guddi farsamo loo saaro biyaha webiga Shabeelle iyo in la dhiso gudiga xuduudaha labada dal ay wadaagaan si looga baaqsado dhibaatooyin xagga amniga ah oo ka dhaca degaannada la teedsan soohdinta iyo si loo unko rugo hor leh oo soohdinta ku yaalla oo dal-ku-gal laga qaadan karo si marka loo baahdo looga tallaabi karo soohdinta si sharci ah.

    Ethiopia waxay ku deeqday deeq Waxbarasho oo 500 oo arday oo Soomaali ah ay u fidineyso waxbarasho Jaamacadeed oo isugu jirta heerarka kala duwan ee Jaamacadda oo ay ka mid tahay shahaaddada ugu sarreysa ee Jaamacad laga qaato.

    Waxaa la isku af gartay in la dhiso Guddi heer Wasiir ah oo ka shaqeeya iskaashiga labada dal.

    Labada dowladood waxay ka wada hadleen dardar gelinta heshiiska suuqa ganacsiga geeska Afrika.

    Midowga Afrika

    Madaxweynuhu intii uu joogay Addis Ababa wuxuu booqday xarunta Midowga Afrika halkaas oo uu wadhadal kula yeeshay Guddoomiyaha oo ay AMISOM hoos tagto.

    Madaxweynuhu arrimaha uu la soo qaaday AMISOM waxaa ka mid ah in Xilalka sarsare ee Midowga Afrika loo tixgeliyo murashixiin Soomaaliyeed maaddaama qoondada ay Soomaaliya leedahay aan la buuxin.

    Djibouti

    Waxaa lagu heshiiyay in la iska kaashado arrimaha amniga badaha labada dal iyo sii wadidda tababarada kala duwan ee la siiyo booliska Soomaaliyeed gaar ahaan dembi baarista iyo nidaamka casriga ah ee booliska dunida u shaqeeyo.

    Intii aan joognay Djibouti waxaan ka qeyb galnay xafladda furitaanka Dekedda Doraleh ee Jamhuriyadda Djibouti.  Waxaa xusuus mudan in dekedda oo ay wadajir u dhagaxdhigeen Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisal Wasaare Saacid Shirdoon markii uu xilka hayay ay hadda wadajir u fureen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle.

    Turkey

    MADAXWEYNE ORDOGAN OO SOO DHOWEEYAY MADAXWEYNE FARMAAJO

    Labada dal waxaa ka dhexeeya xiriir dhow iyo iskaashi xagga mashaariicda horumarinta ah.  Labada dhinac ayaa ka wada hadlay in xiirri ganacsi uu dhex maro iyo in Soomaaliya loo ogolaado waxyaabaha dalka laga soo saaro in ay u dhoofiso dalka Turkiga. Waxaa kale oo laga wada hadlay arrimaha waxbarshada gaar ahaan ardayda waxbarata dalka Turkiga iyo aqoonsiga Jaamadaha Soomaaliya.  Dowladda Soomaaliya ayaa balan qaaday inay samanayso goob ganacsi xor ah si ganacsatada Turkigu u maalgashadaan Soomaaliya.

    Turkigu wuxuu ballanqaaday mashaariic ah xagga Beeraha, ka hortagga fatahaadda webiyada, dhismaha kannaallo cusub, waraabka beeraha iyo cilmi baaris abaaraha soo noqnoqda iyo sidii looga gaashaaman lahaa.

    Qadar

    Dowladda Qadar waxay ballanqaadday in ay gacan kabto miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya.  Waxay ku deeqday in ay gacan naga siiso barnaamijyo xagga caafimaadka iyo waxbarashadu ay ka mid yihiin.

    Doha oo aan saaka ka soo ambaxnay intii aan joogay wuxuu Madaxweynuhu xalay kula hadlay, su’aalahoodana uga jawaabay, talooyinna uu ka dhegeystay dhowr boqol oo Soomaali ah oo ka tirsan Jaaliyadda Soomaalida ee Qadar.

    Sucuudiga

    Wuxuuna soo dhoweeyay mabda’ ahaan in uu gacan ka geysto mashaariic horumarineed oo ay ku jiraan dhismaha kaabayaal dhaqaale iyo in uu maalgeliyo mashaariic shaqo u abuurta kumanyaal Soomaali ah.

    Sidoo kale waxaan Sucuudiga isku afgarannay iskaashi xagga amniga, xag tababbar iyo qalabeyn ciidanka ah.

    Mashaariicda ay Boqortooyada Sucuudigu ballanqaadday waxaa ka mid ah dauactirka Waddooyin, dhismaha Airport cusub iyo dib-dhiska dhismayaasha  dhowladda mashaariic kale oo ay ka wadahadli doonaan guddi labada dhinac ah.

    Dhowaan waxaa socdaal ugu bixi doona dalka Sucuudiga wafdi ka kooban Wasiirro iyo xirfadlayaal si ay isula gorfeeyaan mashaariicda uu Sucuudigu maalgelinayo, goobaha ay noqonayaan iyo goorta ay billaabanayaan mashaariicdu.

    Amniga xagga tababbarada iyo qalabeynta ciidanka.

    Imaaraadka Carabta

    Waxaa la isla gartay in ay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya ay tahay lama taabtaan, mas’uulna ay ka tahay Dawladda Federaalka Soomaliya oo arrin kasta oo dalka ku saabsan lagala xaajoonayo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

    Sidoo kale waxay Dowladda Federaalku ay qirtay in ay dooneyso welibana ay dhiirri gelineyso horumarinta Gobollada iyo Degmooyinka uu dalku ka kooban yahay.

    Imaaradka Carabtu wuxuu ballanqaaday in uu gacan ka geysto miisaaniyadda Dowladda iyo in la iska kaashado tababbarka iyo qalabeynta ciidanka Soomaaliyeed.

    Muxuu le’eg yahay kharashka ku baxay Safarradan?

    Marka laga reebo safaradii Nairobi iyo Addis Ababa oo ay Soomaaliya la baxday kharashka dayaaradda oo keli ah, intaas oo safar ee aan galnay iyo intaas oo howl u qabsoontay Qaranka Soomaaliyeed haddana ma jiraan wax kharash ah oo ka baxay khasnadda Dowladda Soomaaliya.

    Safarradaas hal dollar ugama bixin Dowladda.

    Safarrada aan xusay dhammaantood waxay ahaayeen kuwo dayaarad, hotel, raashin iyo socodka gaadiidka dhulka intaba ay ku deeqeen dalalka aan booqannay.

    Safarrada Madaxweynaha iyo wafdigiisu waxay ahaayeen kuwo horseed u noqday iskaashi, isqaddarin iyo wax wada qabsi si-siaman oo uu shacabka Soomaaliyeed u aayi doono.

    W/Q: Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya
    YuusuF Garaad Cumar Axmed

    Farmaajo Safarrada Farmaajo Top Yusuf Garad Yusuuf Garaad
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSAWIRRO: Soomaali laga soo tarxiilay Mareykanka oo lagu soo daadiyay Garoonka Muqdisho
    Next Article Booliska Soomaaliyeed oo markii ugu horeysay ku howlgalaya Diyaaradaha is-wada ee Drone-ka [SAWIRRO]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo