Wasiirada arrimaha dibadda dalalka Itoobiya Tedros Adhanom iyo Kenya Amina Mohamed ayaa maanta ka degay magaalada Kismaayo halkaasoo ay uga qeybgalayaan xaflada caleemo saarka Baarlamaanka loo sameeyay maamulka Jubba.
Labada wasiir arrimo dibadeed ayaa dalalkoodu si weyn ugu lug leeyihiin xaaladda Soomaaliya, waxaana ka jooga ciidamo fara badan oo ka hoos shaqeeya AMISOM, balse waxaa maamulada si toos ah ugu howlan wakiilada IGAD ee labadaas dal metela Danjire Maxamed Cabdi Afey iyo Gen. Gabre oo lagu eedeeyo inay rabitaanka dalalkooda ku shaqeeyaan.
Wasiirada arrimaha dibadda Itoobiya iyo Kenya ayaa uga hormaray magaalada Kismaayo madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo ka mida madaxda ka qeyb galeysa caleemo saarka Baarlamaanka KMG ah ee Jubba. Dhismaha Baarlamaankaasi oo sidoo kale la doortay guddoon ka kooban guddoomiye iyo laba ku xigeen ayaa dad badan ka hor yimaadeen.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-6″]