Waxaa socda dadaal ay wadaan wasiirada cusub ee la magacaabay, iyadoo raadinaya sidii ay kalsooni uga heli lahaayeen Baarlamaanka Federaalka.
Wasiirka cusub ee Cadaaladda ayaa kulan la yeeshay xildhibaannada beeshiisa, isagoo ka dalbaday taageero, waxaana qoraal uu soo diray ku yiri: “Waxaan u mahad celinaayaa Xildhibaanada aan isku deegaanka nahay ee sida gaarka iigu matalo Golaha Shacabka BJFS ee “Reer Baay” oo maanta aan la qaatey kulan Hambaliyo iyo taageero isugu jirta. Waxay isiiyeen kalsoonidooda sidoo kale waxay ii balan qaadeen wada shaqeyn joogta ah”
Dhinaca kale xildhibaan Maxamed Cabdi Maareeye oo laga qaaday xilka Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in isaga iyo 9 xildhibaan oo isku degaan kasoo jeeda ay taageereen wasiirka cusub ee xilka loo magacaabay Cismaan Dubbe.
Maareeya ayaa yiri : “Aniga iyo Sagaal (9) Xildhibaan oo kale waxaanu caawa booqasho Hambalyo iyo balanqaad taageero iyo ansixin isaga iyo Golaha uu ka tirsan yahayba ugu tagnay Prof. Cismaan Abokor Dubbe oo ah Wasiirka cusub ee Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo dhowaan igala wareegi doona Xilka Wasaaradda iyo kan Constituency aan ka soo wada jeedno oo wax badan oo soo taagna ka rajaynaya in Xukuumada Rooble dhameyso”

Madaxweynaha Soomaaliya oo shalay kulan ugu yeeray wasiirada cusub ayaa kula dardaarmay inay cod ka raadsadaan xildhibaannada Beelahooda si loo ansixiyo, ayna degdeg u howlgalaan, waxaana dhaqdhaqaaqa socda ee ugu badan wada wasiirada xulka ku cusub.
