Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Featured»Wasiirada Waxbarashada Somalia & Dowlad Goboleedyada oo Go’aano soo saaray [Akhriso]

    Wasiirada Waxbarashada Somalia & Dowlad Goboleedyada oo Go’aano soo saaray [Akhriso]

    April 2, 2019Updated:April 2, 20194 Mins Read Featured
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Kulan la sheegay inuu ahaa kii afraad oo ay yeesheen Wasiirada Waxbarashada dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa ka dhacay Magaalada Baydhabo intii u dhaxeysay 30-ka Maarso ilaa 1-da Apriil 2019.

    Shirkan waxaa laga soo saaray qoddobo dhowr ah iyo go’aano ku saabsan imtixaanka dowladda, waxbarashada dalka, Manhajka, horumarinta Af-ka Soomalaiya iyo arrimo kale iyadoo la taageeray go’aankii Wasiirka Waxbarashada dowladda Federaalka ee ahaa inaysan Jaamacadaha qaadan karin arday aan gelin imtixaanka dowladda.

    1. IMTIXAANAADKA
    Xogta waxbarashada ee gobolada dalka, sida Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka, waxaa u xilsaaran Wasaaradaha Waxbarashada Dowlad Goboleedyada.

    B) Arday kasta oo imtixaanka shahaadiga ah ku galay gobolada, kana gudbay, waxa uu shahaadada dugsiga sare ka qaadanayaa Wasaaradda Waxbarashada Dowlad Goboleedkiisa.

    T) Arday kasta oo gala imtixaanka dowladda kana gudba, wuxuu xaq u leeyhay helitaanka shahaadadiisa isaga oo aan lagu xireyn shuruudo kale.

    J) Waxaa la soo dhoweeyey go’aankii Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee la xiriiray in aan Jaamacadaha dalka loo ogolaan arday aan wadan shahaadada dowladda.

    X) Waxaa la go’aamiyay dhismaha iyo hawl-galinta guddiga imtixaanaadka qaranka hor sannadka 2020.

    KH) Laga billaabo sannad dugsiyeedka 2019/2020, imtixaanka fasallada 8aad iyo 12aad ee shahaadiga ah waxaa qaadi doona shahaadadana bixin doona wasaaradda federaalka iyo wasaaradaha heer dowlad goboleed oo kaliya.

    2. HORUMARINTA MACALLINKA

    Siyaasadda iyo habraaca maamulka iyo tababarka macallinka waxaa masuul ka ah wasaaradda waxbarashada iyada oo la tashanaysa wasaaradaha waxbarashada dowlad goboleedyada iyo daneeyeyaasha waxbarashada. Waxaa la isla qaatay in laqaado talaabooyin lagu tobabarayo macalimiinta iyo tayayntooda.

    B) Jaangoynta mushaarka macallinka Soomaaliyeed waxaa lagu go’aamin doonaa kulan ay yeelan doonaan wasiirada waxbarashada ee heer federaal & heer dowlad goboleed.

    T) Arimaha la xiriira macallimiinta waxaa masuuliyada iska leh wasaaradaha heer dowlad goboleed, halka doorka wasaaradda federaalku uu noqonayo daba gal iyo hubin.

    J) Shirku waxa uu soo jeediyey in baarlamaanada heer federaal iyo heer dowlad goboleed ay ka shaqeeyaan nidaam canshuureed oo lagu taageerayo waxbarashada.

    3. MASHAARIICDA WAXBARASHADA
    Waxaa la isku raacay in mashaariicda waxbarasho ee ay bixiyaan qaaraan bixiyayaasha taageera Soomaaliya in lasoo marsiiyo wasaaradda waxbarashada federaalka loona qorsheeyo si cadaalad ah oo ku salaysan baahiyaha kala duwan ee dalka iyada oo la tashanaysa wasaaradaha dowlad goboleedyada si waafaqsan qodobka 8aad ee isfahamkii la galay September 19, 2016.

    B) Wasiirada waxbarashada heer federal iyo heer dowlad goboleed waxa ay isu raaceen in mashaariicda waxbarasho ee dalka aan lagu salayn doonin nidaamkii 3da qaybood ee Somaliland, Puntland iyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

    4. XOOJINTA AFKA SOOMAALIGA (Maay & Maxaa Tiri)
    In qoraalada xafiisyada lagu isticmaalo afka-Soomaaliga, isla markaana dhammaan sharciyada, siyaasadaha iyo qorshayaasha waxbarashada lagu qoro af-Soomaali. 

    B) In Jaamacadaha lagu dhiirrigeliyo ka qeyb qaadashada horumarinta afka-Soomaaliga.

    T) In la hirgeliyo xarumo cilmi baariseed oo lagu horumariyo af-Soomaaliga, iyada oo kuwa hadda jirana la tayeeynayo.

    5. DIIWAAN GELINTA DUGSIYADA DALKA 
    Waa in dugsiyada dalka la diiwaangeliyaa kahor sannad dugsiyeedka 2019/2020.

    6. LABISKA DUGSIYADA
    Wasaaradda federaalka iyo wasaaradaha dowlad goboleedyadu waxa ay garwaaqsadeen ahmiyadda ay leedahay in dib loo soo celiyo labbiskii ardayda ee saddexda heer ee dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sare ee dalka. Sidaas darteed, shirku wuxuu isla ogolaaday in dhammaan dugsiyada dalku ay qaataan saddexdii nooc ee ay kala lahaayen fasallada dugsiyada dalku.

    7. NIDAAMKA XOG-ARUURINTA WAXBARASHADA
    Wasaaradda federaalka iyo wasaaradaha dowlad goboleedyadu waxa ay isku raaceen in nidaamka xog-aruurinta waxbarshadu ay noqoto mid la daadajiyey oo midaysan.

    B) In nidaamka xog-uruurinta qaranka la dhammeystiro kahor bisha 9-aad ee sannadkaan.

    8. MANHAJKA
    In la hirgeliyo manhajka qaranka ee fasallada 1-8aad sannad dugsiyeedka bilowga 2019/2020. 

    B) In la dhameystiro manhajka qaran ee fasallada 9-12aad ka hor billowga sanad dugsyeedka 2020/2021.

    9. TAYO-DHOWRKA
    Wasaaradda federaalka waxa ay dhammeystiri doonta siyaasadda, habraaca iyo qorshaha guud ee kormeerada ugu danbeyn 1da Juun, 2019.

    B) Wasaaradaha dowlad goboleedyadu waxa ay leeyihiin fulinta hawlaha kormeerka iyada oo la raacayo siyaasadda, habraaca iyo qorshaha ay dejisay wasaaradda federaalka.

    Imtixaanka dowladda Top xukuumadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDalal Yurub ah oo aqoonsaday Baasaboorka Soomaaliya ee Diblomaasiga & kan Shaqada
    Next Article Maxaa kasoo baxay kulankii Guddiga joogtada ah ee Barlamanka? [Ajendihii Amniga oo la isku qabtay]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo