Wasiiirada Waxbarashada dowladda Federaalka iyo 4 Maamul Goboleed oo wehliyo G/Banaadir ayaa ka wadahadlay Imtixaanka Shahaadiga ee Fasallada 8-aad iyo 12-aad iyo saameynta uu ku yeeshay cudurka Covid-19.
Wasiirada ayaa isku raacay 4 qodob oo ku saabsan labada imtixaan, waxaana la isku raacay 30-ka June 2020 go’aan laga gaaro sida xilliga iyo lagu qaadayo imtixaannada labada heer oo ku xiran hadba sida cudurka Covid-19 xaalkiisu noqdo oo dunidu u xakameyso.
