Wafdigii Wasiirada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee laga hor istaagay inay tagaan magaalada Garowe, si ay goobjoog uga noqdaan doorashada maamulkaasi ayaa la fasaxay, kadib markii ay dhammaatay doorashada Madaxweynaha Puntland.
Xubnaha oo ay ka mid yihiin wasiiro, wasiir ku xigeeno iyo xubno kale ayaa goor dhoweyd ka duulay garoonka diyaaradaha Muqdisho iyagoo ku soo jeeda magaalada Garowe oo la filayo inay gaaraan galabta marka ay dhammaatoo doorashada. Waxaa wafdiga hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad, iyadoo uu ka mid yahay wasiiru dowlaha Maaliyadda Maxamuud Xayir iyo xubno kale.
Maamulkii C/weli Gaas ayaa amar ku soo rogay mas’uuliyiinta Madaxtooyada, Xafiiska Ra’iisal wasaaraha iyo Wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo loo diiday inay tagaan magaalada Garowe inta ay socoto doorashada, iyadoo lagu eedeeyay faragelin iyo qalalaase ay ka abuuraan halkaasi.