Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Wasiirka Amniga oo ku dhawaaqay Dhismaha 32,000 Ciidamo Boolis Federaal oo isku dhaf ah

    Wasiirka Amniga oo ku dhawaaqay Dhismaha 32,000 Ciidamo Boolis Federaal oo isku dhaf ah

    September 19, 20172 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Shir looga hadlayo  dhismaha ciidamo Boolis ah oo gaaraya 32,000 oo isku dhaf ah kuwaasoo kala wareega amniga dalka marka ay dalka Soomaaliya ka baxaan ciidamada AMISOM ayaa ka furmay magaalada Muqdisho.

    Shirkani  oo socon doono muddo saddex maalmood ah ayaa waxaa furay Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kaasoo u dhexeeya saraakiisha Booliska Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

    Ujeedada shirkani wadatashiga aha ayaa la xiriirta qorshayaal ku aadan sidii loo dhisi lahaa ciidamo isku dhaf ah oo Boolis ah, kuwaasi oo isugu jira heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, si ay isaga kaashadaan sugidda Amaanka Dalka iyo in Amisom ay kaal wareegaan guud ahaan Ammaanka Dalka.

    Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxmed Abuukar Islow Ducaale ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA uga warramay u jeedka shirkaasi, isagoo sheegay in la dhisayo ciidamo booliska ah oo gaaraya 32 kun, kuwaasi oo Amisom kala wareegi doona Amniga Dalka.

    “Waxaa maanta halkani isugu yeernay saraakiisha booliska Heer Federaal iyo heer Dowlada Goboleed, waxaana looga hadlaya qorshaha lagu dhisayo ciidamo Qaran,kuwaasi oo Amisom kala wareegay Amniga Dalka marka ay baxaan 2021,sida ay ku heshiyeen Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada, sida aad ogtihiin shirkii London waxyaabohii ka soo baxay waxaa kamid ahaa in la dhiso 18 oo Ciidan Militari ah iyo 32 kun oo Boolis ah, kuwaasi oo ukala baxaya, Darwiish iyo ilaalada Xeebaha”, ayuu yiri Wasiirka Ducaale.

    Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janaraal C/xakiin Daahir Siciid Saacid ayaa ku booriyay saraakiisha ka qeyb qaadanaysa shirkani in ay la yimaadaan karti iyo aragti wanaagsan oo ay ugu adeegayaan bulshada Soomaaliyeed,wuxuuna balan qaaday in aragti midaysan ay ku lafagurayaan dooda shirka,si loo helo natiijo wanaagsan.

    Waxaa shirkani goobjoog ka ahaa saraakiil ka socotay Hay’adaha Qaramada Midoobey ee taageera Hay’adaha Dowladda iyo tababarayaal Boolis, kuwaasi oo qeyb ka qaadanaya tayaynta ciidamada.

    Boolis Boolis Federaal Booliska Top Wasiir Ducaale Wasiirka amniga
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGurigii Caanka ahaa ee ‘Jid-gooyada’ Shiinaha oo ugu danbeyn la dumiyay & lacagta lagu qaatay [Sawirro]
    Next Article Siyaasiyiin & Waxgaradka ka hor yimid Go’aankii Shariif Xasan kula Saftay Sacuudiga & Imaaraadka [Dhageyso]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo