Wasiirka Amniga Xukuumadda federaalka Soomaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa shaaciyay in ciidamada dowladda ay la wareegi doonaan xarumo cusub oo AMISOM ay ku sugneyd.
Wasiirka oo ka hadlayay kormeer uu ku tegay xarunta Jaamacadda Gaheyr oo dhowaan ay banneeyeen ciidamada AMISOM ayuu sheegay in ciidamada dowladda howaan la wareegi doonaan ammaanka xarumaha Golaha Shacabka iyo Garoonka Kubadda cagta ee Stadium Muqdisho.
“Waxaa jira qorshe ciidamada AMISOM ay dalka uga bixi doonaan 2020 ama 2021, qorshahaas wuu bilowday meeshan waa halkii ugu horeysay, Jaamacadii Umadda Soomaliyeed oo dhawaan laga saaray. Dowladda Soomaliya waxaa ka go’an in ay la wareegto xarumaha muhiimka ee dalka muddo gaaban, xarumaha sida Stadio Muqdisho waxaa lagu soo celinayaa sidii ay ahaan jirtay..” ayuu yiri Wasiir Ducaale.
DHAGEYSO WASIIRKA