Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa soo saaray arrimo ala duwamn oo ku wajahan xildhibannada, siyaasiyiinta mucaaradka iyo warbaahinta.
Wasiirka ayaa sheegay in xildhinaannada, mas’uuliyiinta dowladda iyo siyaasiyiinta kale laga doonayo inay ilaaladooda qaataan dareyska loogu talogalay, lagana doonayo in kuwa aan qaadan ay amarkaasi fuliyaan sida ugu dhaqsiyaha badan.
Wasiir Islow ayaa sidoo kale amray in aan la qaban karin shirar siyaasadeed oo aan lagu soo wargelin wasaaradda amniga, isagoo ka digay hadallada been abuurka ah ee laga faafinayo ammaanka dalka. Wuxuu digniin u diray Milkiilayaasha Hotelada ku yaalla Magaalada Muqdisho oo uu kaga digay in lagu qabto shirar aysan dowladda ka warqabin iyo shirar wax u dhimaya ammaanka Magaalada Muqdisho.
Wuxuu kaloo uga digay warbaahinta inay ka fogaato wararka been abuurka ah ee la faafinayo, isagoo ka codsaday inay iska ilaaliyaan wararka wax u dhimaya dowladnimada iyo ammaanka, isagoo sheegay in tallaabo laga qaadi doono haddii warbaahinta ay ka waantoobi weyso.
Amarrada wasaaradda amniga ayaa ku soo beegmaya xilli olole siyaasadeed oo ballaaran iyo abaabulka mooshinno looga horjeedo madaxda dowladda ay ka socdaan magaalada Muqdisho.
DHAGEYSO