Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa faahfaahin ka bixiyey go’aanka dowladda Somalia shaqadii uga joojisay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom.
Wasiirka ayaa sheegay in wakiilka Q/Midoobay uu ku xadgudbay dhaqanka diblomaasiyadda, isagoo gef weyn ku sameeyay qaranimada iyo madax banaanida Soomaaliya, sida uu yiri wasiirka oo wareysi siiyey BBC-da.
“Mr. Haysom wuxuu u dhaqmay sida inuu yahay madaxa ama maamulaha dowladda Soomaaliya, waxayna caay ku tahay dhaqanka UN-ka, wuxuuna gaf weyn ku sameeyay Qaranimada iyo Madax banaanida Soomaaliya..” ayaa yiri Wasiir Cawad oo wakiilka UN-ka ku eedeeyay in wakiilka Qaramada Midoobey uu marar badan sameeyay khaladaad, isagoo la tashan dowladda Soomaaliya oo ay ka mid tahay waraaqdii uu u qoray Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow.
Tallabaada qaaday dowladda Somalia ee dalka looga saarayo wakiilkii UN-ka Nicholas Haysom ayaa laga yaabaa inay sii xumeyso xiriirka Q/Midoobay iyo Soomaaliya, ayna keento in taageerada ay bixiso Q/Midoobay la joojiyo. wuxuuna xilkan hayey Mr. Haysom muddo 4 bilood ah oo kaliya.