Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Wasiirka Arrimaha dibadda Jabuuti oo kashifay Dowladdii ka danbeysay heshiisiinta Jabuuti & Eritrea [Akhriso]

    Wasiirka Arrimaha dibadda Jabuuti oo kashifay Dowladdii ka danbeysay heshiisiinta Jabuuti & Eritrea [Akhriso]

    September 8, 2018Updated:September 8, 20182 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Dadlka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa farriimo is daba joog ah ku qoray baraha bulshada, isagoo adeegsaday luqada Carabiga, wuxuuna sheegay in Boqortooyada Sacuudiga ay kaalin udub dhexaad ah ka qaadatay heshiisiinta dalalka Jabuuti iyo Eritrea, isagoo bogaadin fara badan ku dhoobay.

    Wasiirka dibada Jabuuti ayaa xusay in socdaaladdii uu Wasiirka Arrimaha dibadda Sacuudiga Caadil Aljubair ku tegay magaalooyinka Addis ababa iyo Asmara ay qeyb weyn ka qaadatay in la isu soo dhoweeyo dalalka Jabuuti iyo Eritrea, wuxuuna intaas ku daray in Sacuudiga uu sidoo kale ka shaqeeyay heshiisiinta dalalka Itoobiya iyo Eritrea, si dalalka Geeska Afrika iyo Khaliijka ay iska kaashadaan sugidda amnigooda, ayna yeeshaan iskaashi dhinaca amniga ah.

    “Dowladda Jabuuti waxay si weyn u bogaadineysaa dhexdhexaadinta ay hadda Boqortooyada Sacuudiga ka dhex wado xaaladii ka dhaxeysay dalalka Jabuuti iyo Eritrea, waxaan kaloo xaalad nabadeed abuuray dadaalka uu waday Ra’iisal wasaaraha Itoobiya” ayuu qoraaladiisa ku yiri wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf.

    Mar uu ka hadlay kaalinta dowladda Soomaaliya ayuu ugu danbeyn yiri Wasiirka: “Shaki kuma jiro in dadaalka dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo mahadsan uu qeyb ka ahaa dadaalka dowladaha Geeska Afrika ugu jiraan in la gaaro nabad guud oo aan dalna laga tegin..”

    Maxamuud Cali Yuusuf wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti ayaa u muuqda inuu kashifay dowladda ka danbeysa isbedellada ka dhacaya Geeska Afrika iyo ujeedka lagu doonayo in iskaashi milateri ay sameystaan dalalka Geeska Afrika iyo Khaliijka ay hoggaamiso Sacuudiga, halka doorka dowladda Soomaaliya uu ka dhigay mid ka daba tuur ah.

    Erirea Itoobiya JABUUTI Maxamud Cali Yuusuf Sacuudiga Saudi Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDEGDEG: Guddoomiyihii Degmada Xamarweyne oo la sii daayey (Daawo Hadal uu jeediyey]
    Next Article Xildhibaan Fiqi: “Baaqa Dowlad Goboleedyada wuxuu muujinayaa in madaxda Dowladda ku fashilmeen hoggaaminta dalka”

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo