Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Eritrea Mudane Cismaan Saalix iyo La-taliyaha Madaxweynaha dalkaas Mudane Yemane Gabreb ayaa goor dhweyd soo gaaray magaalada Muqdisho.
Wafdiga dowladda Eritrea ayaa la filayaa inay wadahadal la yeeshaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda xukuumadda Soomaaliya, iyagoo dhowaan tegay magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland .
Wafdiga waxaa Garoonka Aadan Cabdulle kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad iyo mas’uuliyiin kale.



