Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay in laga helay cudurka COVID-19.
Wasiirka ayaa maalintii 8-aad ku jira karaantiil ayaa warbaahinta dowladda u sheegay inuu ku sugan yahay magaalada Bujumbura ee dalka Burundi, isagoooo uu kaga qaybgalayey shir, halkaasi markii laga helay cudurka Covid-19, kadibna uusan ka bixin degaanka uu ku sugan yahay.
Wasiirka ayaa hadalkan sheegay isagoo ka hadlayey in cudurka COVID-19 uu aad ugu faafay Soomaaliya oo xaaladu halis tahay. Wuxuuna xaaladaasi uga faa’iideystay inuu ka hadlo dibadbaxa ay ku baaqeeen Mucaaradka oo uu sheegay inuusan caqligal ahayn.
“Cudurka Covid Soomaaliya aad ayuu ugu faafay aniga hadda waxaan ku suganahay dalka Burundi oo aan u imaaday shir, hadda maalinkii 8-aad waxaan ku jiraa karaantiil sababtoo ah waxaan Xamar ka soo qaaday cudurka Corona, shirna cid lama yeelan oo intaas waxaan ku xiranahay meel, daawo ayaa ii socota,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.
