Wasiirka Arrimaha dibadda Somalia Axmed Ciise Cawad ayaa maanta kulan gaara xarunta Xalane kula yeeshay safiirada dalalka shisheeye u fadhiya Soomaaliya.
Kulanka oo ahaa mid albaabada u xiran yihiin ayuu sheegay wasiir Cawad inay dowladda Somaalia u sharaxday safiiradaasi go’aankii ay xiriirka ugu jartay Ginni ee galbeedka Afrika ku yaalla, kaasoo ku xadgudbay qaranimada iyo midnimada Somalia, isla markaana wuxuu gaarsiiyey dginiin culus oo ah inay uga digayaan dalal kale oo caadeystay faragelin iyo xadgudub inaysan Somalia u dulqaadan doonin wixii hadda ka danbeeya falalkaasi.
Ahmed Ciise Cawad ayaa u sheegay in Safiiradda Caalamka inay muhiim tahay in ay ka fiirsadaan marka ay xiriir la sameynayaan maamulada Gudaha Soomaaliya oo dowladu ay sheegtay in ay ka mid tahay Somaliland.
Wasiirka Arrimaha dibadda oo shir jaraa’id u qabtay saxafiyiinta ayaa sheegay in tallaabada ay qaaday dowladda dalka Ginni ay tahay mid halis ku ah qaranimada iyo wadahadal dhex mara dowladda Somalia iyo Somaliland, wuxuuna sidoo kale warbixin ka siiyey safiirada socdaalka uu Ra’iisal wasaare Kheyre ku joogo magaalada Dhuusamareeb iyo maamaul dhisida ee ka socda Galmudug.