Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Axmed Ciise Cawad ayaa ku sugan dalka Qatar, iyadoo uu halkaasi kulan kula yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan dalkaasi.
Wasiir Cawad ayaa shalay magaalada Doha kula kulmay Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Qatar Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, iyagoo ka wadahadlay xiriirka laba dal iyo sidii loo horumarin lahaa dhinac waliba, iyadoo dowladda Soomaaliya dooneyso dedejinta taageero dhaqaale oo Qatar ugu yaboohday xukuumadda Soomaaliya.
Qatar oo ka mida dalalka taageera dowladda Soomaaliya ayaan weli fulin mashaariic ay ballanqaaday inay maalgelineyso oo ay ku jiraan wadooyinka soo gala caasimadda.


