Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed C/risaaq Maxamuud ayaa maanta xilka kala wareegay wasiirkii hore Axmed Ciise Cawad.
Xaflad ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo muddo saacado ah loo xiray Isgoysyada Laami-yaraha ilaa Banaadir ayuu xilka kula wareegay wasiirka cusub, wuxuuna munaasabadda ka sheegay inuu wax badan ku kordhin doono shaqadii uu soo qabtay Wasiirkii hore.
“Waxaan rajeynayaa madaxda inay dhageysteen talada oo ah in meesha la i daayo xoogaa..” ayuu yiri Wasiirka cusub oo soo qaatay talo ay xafladda ka jeedisay xildibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji oo ahayd in wasiirada waqti la siiyo oo degdeg xilalka looga qaadin.
Waa wasiirkii saddexaad ee arrimaha dibadda oo soo mara dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo ay ka horeeyeen Yuusuf Garaad Cumar Axmed Ciise Cawad.
HOOS KA DAAWO