Wasiirka cusub ee caafiimadka Maxamed Xaaji C/nuur iyo wasiiru dowle cusub oo loo magacaabay Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda oo aan hore loo shaacin ayaa maanta lagu dhaariyay xarunta Villa Hargeysa ee xafiiska Guddoonka Baarlamaanka magaalada muuqdisho.
Dhaarta waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaaji iyo xubnaha Guddiyada Baarlamaanka.
Wasiiru dowlaha cusub ee Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa loo magacaabay Xildhibaan Luul Cabdi Aadan, iyadoo aanay markii hore ka mid ahayn xubnihii wasiirada ahaa ee xilalka loo magacaabay.
SAWIRRO
Wadani.com