Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta iska casilay xilka Wasiirka gaashaandhigga, isagoo isu diiwaan geliyay tartanka xilka guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya.
Wasiir Mursal ayaa ku biiray Wasiir kale, Wasiiru dowle, wasiir ku xigeen iyo wasiirud dowle hore isugu xilka guddoonka Golaha shacabka Soomaaliya. Is-casilaaddiisa kadib ayuu wasiiirka uu tegay xarunta Guddiga doorashada Guddoonka Golaha shacabka halkaas oo lagu guddoonsiiyey Shahaaddada musharaxnimo.
Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa la filayaa in ay dhacdo 30-ka Bishan April 2018, sida ku cad jadwalka ay baahiyeen Guddiga doorashada Guddoonka Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.