Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini iyo wafdi uu hogaaminayo ayna ka yihiinWasiiru dowlaha wasaarddaasi ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo ah fadhiga maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Wasiiru dowlaha Gaashaandhiga Maxamed Cali Xagaa oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in socdaalkooda Baydhabo ku saabsan yahay sidii wadatashi ugala sameyn lahaayeen arrinta isku-dhafka ciidamada maamulka Koonfur galbeed ee ka mid noqonaya ciidamada Qaranka.
“Ujeedkeena ugu weyn ee maanta halkan aanu u soo gaarnay waa dhismaha ciidan Qaran oo leh karti iyo hufnaan sidii loo heli lahaa, socdaalkan waxaa igu weheliya xubno ka tirsan Guddiga Isku dhafka Ciidanka iyo madax kale oo deegaankan ka soo jeeda. Waxaan wadatashi la yeelan doonaa dhinacyada ay arrintani quseyso oo ugu horeeyo hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed” ayuu yiri wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga.
Dowladda Fadaraalka ayaa wada qorshe la isku dhafayo ciidamada dalka oo Kismaayo ka bilaabatay, maamul goboleedyada ayaa mid waliba loo qoondeeyay tiro ciidamo ah oo uu ku biirinayo ciidamada la isku dhafayo ee dalka.
Wadani.com