Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay in hawlgal ka dhacay degaan u dhow Bariire maanta ay fuliyeen ciidamada dawladda.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay inay dadkaasi hubaysnaayeen isla markaana ay rasaas fureen. wuxuuna caddeeyay in howlgalka uu ka dhacay, ciidamadana ay la kulmeen rag hubeysan.
“Ciidamada howlgal dabagal ah oo ka socda meel u dhow Bariire ka waday waxay la kulmeen rag hubeysan oo diiday inay hubka dhigaan, xabadna bilaabay, sidaas ayay xabadihii ku bilowdeen…, su’aasha la is weydiin kara waxay tahay inay hub ku heystaan meeshaas, waxay ahaayeen dad dagaalamaya…” ayuu yiri.
Wasiirka ayaa sheegay in cidda howlgalka qaaday ay ahaayeen ciidamada dowladda, wuxuuse intaas ku daray inay baaritaan socdaan, ayna og yihiin in 9 qof oo hubeysan la dilay.
Hawlgalkaasi ayaa saraakiishu xaqiijiyeen inay ku dhinteen 10 qof. Mid ka mid ah mas’uuliyiinta gobolka ayaa sheegay in ciidanka dilka gaystay ay ka tirsanaayeen shirkadda Bancroft, hase yeeshee waxaa taasi beeniyey wasiirka gaashaandhigga.
DHAGEYSO WAREYSIGA VOA-da