Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in qeybtii labaad ee lacagta kaalmada Surge ee Bankiga Adduunka ay soo gaartay dowladda Soomaaliya.
Wasiirka ayaa baraha bulshada ku faafiyey qoraal uu ku sheegay in isagoo tixraacaya sii deynta lacagta dhan 5 Milyan oo Doolar oo ah qeybtii labaad ee Surge Support uu laba jeer ka codsaday maamul Goboleedyada inay soo diraan xisaab xirka lacagtii hore iyo dalbashada lacagta cusub.
“Waxa an ku faraxsanahay qeybti 2aad ee Surge Suportka oo World Bank soo daayay. Waxaan Dowlad Gobaleedyada ka codsanaynaa in ay so diraan xisaab celinta lacagahii hore iyo dalabka lacagta cusub..” ayuu yiri Wasiir Beyle oo qoraalkiisa ku sheegay in muddo laba jeer ah uu qoraallo u diray maamul Goboleedyada, isla markaana wasaaradha maaliyadda ee dowlad Goboleedyada kala shaqeynayaan diyaarinta xisaab celinta laga rabo.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA