Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa faafhaahin ka bixiyey sababta ay dowladda Federaalka hoos ugu dhigtay xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya dalka Kenya.
Kenya ayuu ku eedeeyay inaysan ka muuqan dernisnimo wanaag ee ay ku sifowday caddownimo ayna u dhaqanto sida rijiimkii Tigreega, sida uu yiri, wuxuuna intaas ku daray in ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM aysan u shaqeyn sida ciidamada kale ee AMISOM, iyagoo ka baxay goobo muhiim ah iyadoo aanay cidna ku wargelin.
Wuxuu sheegay in Kenya ay faragelin ku heysa maamulka Jubbaland oo madaxdeeda ay ku qasabtay wax ka horjeeda danaha Soomaaliya, sidoo kalena ay martigeliso dad uu sheegay inaysan ka shaqeynin danaha Soomaaliya.
Wuxuu sheegay inaan Soomaaliya intii ay soo kabatay marna laga abaabulinhal siyaasi oo mucaarad ah ku dowladnimada Kenya. “Nairobi waxay noqotay meesha looga soo duulo Soomaaliya. looga noqdo heshiisyada lagu gaaro Soomaaliya gudaheeda, laga soo abaabulo rabshadaha siyaasadeed ee la rabo in lagu carqaleedyo dowladnimada Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka.
Wasiir Dubbe ayaa digniin u diray Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah Dowladda Federaalka, una jeediyay inay ka waantoobaan danaha dalkooda ka hor mariyaan danaha dalka.
“Inay toban musharax Nairobi kasoo baxaan oo Xamar yimaadaan.. ma doorashaa waa khalkhal gelin amniga shacabka iyo midinimada dalka… Annaga ka warran haddii aan toban musharax oo Kenyaati Xamar diyaarad ka saarno oon u dirno Kenya..?” ayuu yiri Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya.

Mar la weydiiyey waxa ay ku kala duwan yihiin Itoobiya iyo Kenya ayuu sheegay in Itoobiya aysan wax faragelin ah ku heyn arrimaha Soomaaliya, ayna meesha ka baxday xukuumadii Tigreega.