Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa ka daba tegay hadal kasoo yeeray oo ku saabsanaa inaysan wasaaradiisu aqoonsaneyn Jaamcadaha dalka ka jira oo ay ku jirto tan dowladda ee Jaamacadda Umadda.
Wasiirka ayaa sheega in Jaamacadaha dalka ay door weyn ka qaateen Horumarka Waxbarashada dalka, islamarkaana ay socoto Nidaamkii lagu qiimeyn lahaa, wuxuuna intaasi ku daray in hadalkiisa ahaa aqoonsiga Jaamacadaha si khaldan loo tarjumay.
Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta dowlada ayaa hadalkiisa yimid iyadoo si weyn loo naqdiyey haddalo ku dhex jiray wareysi uu siiyey telefishanka Somali Cable, isagoo si cad u sheegay in weli aysan jirin in jaamacadaha dalka ka jira aysan buuxin shuruudihii laga rabay.
Wasiirka Waxbarasha Somalia oo sheegay inaysan Aqoonsaneyn Jaamacadaha ka jira Soomaaliya [Dhageyso]