Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo dhowaan xilka la wareegay ayaa soo saaray wareegto uu muddo 30 cisho gudaheed ju amray cid kasta oo gacanta ku heysa Dugsi ay dowladda leedahay iany dib ugu soo celiso magacii uu lahaan jiray ka hor 1990-kii.
Wasiirka ayaa wareegtada uu soo saara ku yiri: “Markaan aragnay: Talo soo jeedinta Waxgaradka Soomaaliyeed iyo bahda Tacliinta ayaa waxaa la farayaa dhammaan cid kasta oo gacanta ku heyso Dugsi laga badalay magacii uu horay u lahaa 01.01.1990 iney dib ugu soo celiyaan magacii hore dugsigaasi u lahaa mudo 30-maalmood gudahood laga bilaabo waqti ku taariikheysan wareegtadaan,”ayaa lagu yiri Wareegto uu saaray Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya.
Sidoo kale wareegtada uu soo saaray Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta sare Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay iney xusid mudan tahay in magacyada ku sharfan Dugsiyada Dowladda ay magaca weyn iyo taariikh ugu fadhiyaan Qaranka Soomaaliyeed.
Wareegtada ayaa dhaqan gashay laga bilaabo marka uu saxiixo Wasiirka Waxbarashada C/llaahi Goodax Barre oo wareegtada soo saaray.