Wasiirka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Carab) ayaa ku dhawaaqay in la xiri doono Jaamacaddaha aan buuxin shuruudaha loo dhigay.
Wasiirka oo ka hadlayey xaflad ka dhacday Muqdisho oo abaalmarin lagu guddoonsiiyey ayaa sheegay in inta aanu xafiiska ka tegin ka hor uu albaabada isugu dhufan doono Jaamacadaha aan buuxin shuruudaha ugu yar ee loo dejiyey, lana siin doono muddo hal sano ah.
“Ayaan dhaweyd waxaan sameynay inay jaamacad ahaan jiraan.. wixii qeylo dhacday waa aragteen, hadda waxaan sameynay ‘Medium Standard’ (Heer dhexe oo lagu qiyaasayo) oo loo qeybin doono, sanad ayaa la siin doono Jaamacadii soo buuxin weydo waa la xiraayaa, ma sii shaqeyn doonto.. weli Standard-ka anigoo jooga ayaa la qeybinayaa si aan uga gaarsiiyo..” ayuu yiri Wasiir Carab.
Wasiirka ayaa musuq iyo wax la qaadan karin ku tilmaamay in ardeyda Soomaaliyeed si musuq ah looga faa’iideysto oo Jaamacado aan jirin ay lacag uga qaataan waalidiinta inay wax barayaan caruurtooda.
Wasiirka Waxbarashada wuxuu caddeeyay inay inay diiwaan galiyeen dhammaan Jaamacaddaha ku yaalla haddana ay waddaan qiimeynta heerka tayada waxbarashada oo ay dhici doonto in lagu kala reebo.
