Wasiiarka Arrimaha Gudaha Maamulka Galmudug ayaa xilkii laga qaaday, kadib markii lagu eedeeyay inuu xiisad ka dhaliyey beelaha degaanka.
Kus-imaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Cali Daahor Ciid ayaa soo saaray wareegto uu xilkii uga qaaday Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel), iyadoo lagu eedeeyay inuu colaad ka huriyey Balanballe.
Arrintan ayaa ka danbeysay xiisad ka dhalatay dhismaha golaha degaanka degmada Balanballe oo khilaaf ka dhashay qaabkii xubnaha deegaanka loo qeybiyay, ayna ka hor yimaadeen beelo ka mida degaanka iyo madaxa Galmudug qaarkeed.
Wasiir Cabdi Waayeel ayaa howshiisa iska watay isla markaana dhaariyey Golaha degaanka xilli ay arrintaasi amarro joojin ah kasoo saareen madaxda Galmudug, waxayna ugu danbeyn noqotay in xilkii laga qaado.

HOOS KA AKHRISO
