Wasiirkii Arrimaha dibadda Soomaaliya oo goor dhoweyd xilka laga qaaday Axmed Ciise Cawad ayaa diiday inuu qabto wax xil ah, kadib markii loo magacaabay jagada Safiir.
Wasiir Cawad ayaa sheegay inuusan diyaar u ahayn xil uu hadda qabto mid safiirnimo iyo xal kaleba, wuxuuna qoraalkiisa ku yiri: “Waxaan halkaan ku caddaynayaa inaanan hadda diyaar u ahayn xil aan qabto mid Safiirnimo iyo mid kale toonna”.
“Madaxweynuhu waa ku mahadsan yahay xilkii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee la ii magacaabay 4tii November 2018. Abaal ayaan Madaxda dalka iyo ummadda Soomaaliyeedba uga hayaa..” ayaa ka mid ahayd qoraalka Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda oo u muuqda inuu eersaday qoraal ay dowladda Itoobiya ka carootay.
Ambasador Axmed Ciise Cawad ayaa bishii Novembar 2018 loo magacaabay xilka Wasiirka Arrimaha dibadda, isagoo xilligaasi ahaa Safiirka Soomaaliya ee magaalada Washington, wuxuuna xilka kala wareegay wasiirkii ka horeeyay Yuusuf Garaad oo isna si lama filaan ahayd xilka looga qaaday.
