Xuseen Ceelaabe Faahiye oo ahaa Siyaasi ruugcaddaa ah iyo Wasiir hore ayaa ku geeriyooday qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, wuxuuna xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii dalka isaga danbeeyay.
Geerida wasiir Xuseen Ceelaabe waxa tacsi u diray Ra’iisal wasaaraha, Wasiirka Arrimaha dibadda iyo madaxda dalka, waxaana qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya lagu sheegay in Xuseen Ceelaabe Faahiye uu ahaa Lataliye Sare oo ka tirsan Wasaaradda, maantana oo ah Arbaco, 22 May, 2019 uu ku geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax ka dhacay saaka agagaarka Daljirka Dahsoon ee Muqdisho.
Marxuum Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa soo qabtay xilalka Wasiirnimo ee Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Xanaanada Xoolaha, Daryeelka Naafada iyo Agoonta iyo kuwa kale. Waxaa uu waqtigiisii nolosha ugu dheeraa uu geliyay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo uu ka shaqa bilaabay isagoo da’yar ah, kana gaaray xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi, waxaa lagu xusuustaa dejinta Qorshayaasha Qaranka ee horumarinta iyo tirakoobka dadka.
Marxuum Ceelaabe oo noqday Wasiirka 13aad ee Arrimaha Dibadda ayaa ka mid ahaa xiliyadii dambe Guddi sare oo lataliyaal ah oo u xilsaaran dib-u-habeynta iyo horumarinta Siyaasadda Debadda. Marxuumka ayaa ahaa siyaasi, macallin, barbaariye iyo qof saaxiib la ahaa bulshada qeybaheeda kala duwan, isagoo ardayda ka caawin jiray fahamka cilmiga tirakoobka “Statistics”.
Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka, ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows, qoyskiisa, ehelladiisa iyo asxaabtiisana samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.
INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN