Wafdi isugu jira wasiiro, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle ayaa maanta tegay Magaalada Buuloburte ee Gobolka Hiiraan, iyagoo ka dhoofay Garoonka Muqdisho.
Wasiiradan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macaliin Fiqi, waxaa ka mida wasiirka Qorsheynta C/raxmaan Beenbeene iyo xubno kale, waxaana ay kormeer ku tageen Buundadda magaalada Buulobure oo qeyb ka mida ay ku burburtay qarixii Alshabaab.
Ujeedka socdaalka Wafdigan ayaa ah qiimeynta xaaladda saameynta abaaraha, dagaalka Alshabaab iyo sidii degdeg loogu dhisi lahaa Buundadii degmada Buloburte ee dhowaan la qarxiyey.
Wafdiga waxaa ka mida Wasiiru-dowlaha Gaashaadhigga C/nuur Fiidow, xildhibaan CbdiMalik iyo wasiirka arimaha gudaha Hirshabelle.
