Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Wasiirrada Gaashaandigga & Arrimaha dibadda Dalalka AMISOM oo Dingiin kasoo saaray Kampala [Akhriso]

    Wasiirrada Gaashaandigga & Arrimaha dibadda Dalalka AMISOM oo Dingiin kasoo saaray Kampala [Akhriso]

    March 3, 20184 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Wasiirrada Difaaca ee ka socda waddamada ay ciidamadooda qaybta ka yihiin AMISOM ayaa ka digay in guulaha laga sameeyay Soomaaliya ay halis ugu jiraan in ay khasaaraan haddii aan wax laga qaban arrimaha taagan sida tirada ciidamada oo yar iyo dhaqaale.

    Wasiirrada oo magaalada Kampala ee dalka Uganda ka qaybgalayo kulanka waddamada ciidamadooda deeqay ayaa ku celceliyay mowqifka ay taliyeyaasha ciidamada dalalkooda qaateen maalin ka hor, in Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ay u baahan tahay taageerro dheeraad ah si ay ugu suurtagasho in ay gudato waadjibaadkeeda ah nabadeynta Soomaaliya.

    Digniintan ayaa waxaa soo jeediyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Uganda, Sam Kutesa, kaas oo sheegay in Howgalka uu sidoo kale u baahan yahay qalab lagu xoojiyo ciidamada kuwaas oo muhiim u ah si loo qaado howlgallo hufan.

    “Hadda kaddib, waxaa marka muhiim in beesha caalamka ay eegto arrinta muhiimka ka ah Soomaaliya, si aysan guulaha la gaaray sanadihii ugu dambeeyay oo loo maray juhdi badan iyo waxyaabaha ay hureen AMISOM iyo Ciidamada Xoogga Soomaaliya u noqon kuwo khasaaray,” ayuu yiri Mudane Kutesa.

    Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dhimista ciidamada AMISOM loo baahan yahay in dhinaca kale lala wado xoojinta ciidamada ammaanka ee Soomaaliya si loo xaqiijiyo in aysan u soo bixin meel bannaan ah markii ay AMISOM dalka isaga baxdo.

    Sanadkii hore, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa uu ansixiyay qaraar oo meel-mariyay in tirada ciidamada AMISOM la dhimo, mas’uuliyadda amniga lagu wareejiyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.

    Smail Chergui, oo ah Guddoomiyaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo ka hadlay shir hor-dhac u ahaa kulanka ayaa ku baaqay kaalmo caalami ah oo dheeraad ah isla markana qorsheysan kaas oo loo fidinayo howlaha lagu taageerrayo qorshaha xil wareejinta si ay ugu suurtagasho ciidamada ammaanka ee Soomaaliya in ay la wareegaan mas’uuliyadda amniga ee dalkooda.

    Danjire Chergui ayaa ammaanay shaqaalaha naftooda ku waayay ayaga oo gudanaya waajibaadkooda Soomaaliya

    Danjire Chergui ayaa ammaanay shaqaalaha naftooda ku waayay Soomaaliya ayaga oo gudanaya waajibaadkooda, wuxuuna uga mahadceliyay madaxweyneyaasha waddamada ciidamadooda deeqay horumarinta dareenka Afrikaannimada.

    Waxaa uu xusay in Soomaaliya ay cagta saartay waddadii horumarka, asaga oo shaaciyay in guulaha dhinaca siyaasadda ee la gaaray sanadkii laga soo gudbay ay muhiim u yihiin xeeladda ka bixitaanka dalka ee AMISOM iyo sidoo kale xil wareejinta mas’uuliyadda amniga lagu wareejinayo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.

    Mas’uulkan ka socda Midowga Afrika ayaa ka hadlay qaar ka ah mid horumarka laga sameynayo Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin ansixinta Hab-dhismeedka Amniga Qaranka, kaas oo bixinayo qorshaha lagu dhisaso ciidamada ammaanka ee Soomaaliyeed, qorshaha siyaasadda loo dhan yahay iyo hannaanka dib u eegista dastuurka, iyo habka cusub ee doorashada qof iyo cod ee lagu wado in ay dhacdo 2020.

    Danjire Chergui ayaa xusay in xasilloonida siyaasadeed ee ka jirta Soomaaliya ay saamaxday in la bilaabo diyaarinta Qorshaha Xil-Wareejinta ee Soomaaliya, iyada oo la yagleelay guddi ka shaqeyn lahaa diyaarinta qayb-qoraalka xil-wareejinta ka hor dhammaadka bisha Maarso ee sanadkan.

    Waxaa uu xusay in qorshaha ay qayb muhiim ah ka noqon doonan qorsha AMISOM ee ku aaddan xil-wareejinta, oo ka mid yihiin in ay dib u eegis ku sameyso Qorshaha Howlaha, iyo horumarinta hufnaanta howlgallada AMISOM.

    “Meelaha uu Midowga Afrika xoogga saari doono wakhtiyada soo socda ayaa waxaa ay noqon doonaan in uu taageerro dardargelinta horumarinta qorshahan, in uu wado in si wanaagsan uu la shaqeeyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, iyo in si buuxa loo hirgeliyo Qorshaha Xil-Wareejinta ee Soomaaliya,” ayuu yiri Chergui.

    Waxaa uu sheegay in ahmiyadda siyaasadda si ay Soomaliya u hesho nabad iyo amni ay aragti cusub ku dhalisay Midowga Afrika, asaga oo raaciyay in dhacdooyinka sanadkii tagay ay si cad u muujiyeen in aanan horumar dheeraad ah laga sameynin karin dhinaca amniga iyada oo aan horumar laga sameynin dhinaca siyaasadda.

    Kulankan ka socdo Kampala ayaa waxaa uu daba socdaa kulan 21 bishii Sebteembar 2017 la qabtay intii uu socday Shirkii Guud ee Qaramada Midoobay ee ka dhacay New York.

    Kulanka ayaa waxaa qabtay Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni, si la isku weydaarsado fikradaha ku aaddan xaaladda Soomaaliya, lagana wada hadlo mustaqbalka dalkan ku yaal Geeska Afrika.

    Madaxweyneyaasha iyo Xukuumadaha ka socdo shan waddan oo ciidamadooda deeqay ayaa berri kulan yeelan doonaa si ay uga wada xaajoodaan waxyaabaha ay soo jeediyeen madaxda militarigooda iyo wasiirradooda.

    AMISOM Kampala Top Uganda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXiriirka ka dhexeeya Shirkadaha Maalgashiga & Faragelinta Shisheeye ee Dalalka Soo Koraya [Qormo xasaasi ah]
    Next Article Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo